Asalaamu calaykum - Subax Wanaagsan - Waxaad kale oo aad Nagala socon kartaa www.youtube.com/channel/UCalwK_rEnGMvh4JdWfE8pog

Ogeysiis (Maalinta Imtixaanka) - Dhammaan Ardayda Online ka wax ku barata iyo kuwa Xarumaha sida tooska ah wax uga barta waa in ay u diyaar garoobaan Maalin ta imtixaanka bilaha la qaadayo oo ku beegan Bil kasta kowdeeda. Ogeysiis (Xiliga Qalin jabinta) - Waxaa la ogeysiinayaa Ardayda in Xaflada Qalin jabinta ay u diyaar garoobaan Bisha Oktoobar ee Sanad walba insha allaah, Xiligaas oo ku beegan aasaaskii Sahalsoftware. Ogeysiis (Su'aasha Fahamka Kumbuyuutarka) - Su'aashaas oo imtixaanaadka bilaha ku jirta waxaa laga soo dhex saarayaa Casharka webka la soo geliyo ee ku saabsan Fahamka kumbuyuutarka.

Bishaaro: Ma tahay qof jooga Magaalooyinkan (Laascaanood, Hargaysa, Burco, Buuhoodle iyo Ceegaag), Ma tahay qof jecel inuu barto Cilmiga Kumbuyuutarka, Haday Jawaabtu tahay Haa, ka faa'iideyso fursadan oo is qoristu waxay socotaa bil kasta oo dhalata kowdeeda illaa shanteeda, hadaba yeysan kaa buuxsamin ardayda la qaato oo kooban darteed ee Xarumahaas horey u gaadh.

Ogeysiis: Ardayda Online ka ah ee raba inay imtixaanka galaan qaabka ay lacagta u diri karayaan. 1. Waxay lacagta 15 Doolar ee bishii soo dhagayaan Akoonka aan ku leenahay Xawaalada Tawakal ee nambarkiisu yahay 252634496857 waxayna soo raacinayaan Magacooda oo Saddexan. 2. ka dib waxaad warqad u soo dirtaan cinwaankeena support@sahalsoftware.com 3. Wixii intaas dheer cinwaankaaga ayaa laguugu soo dirayaa insha allaah.

Shirkada Sahalsoftware waxay Hambalyo iyo Bogaadin hawada u marinaysaa TV-ga SOMNEWS iyo Bishaaro

Shirkada Sahalsoftware waxay Hambalyo iyo Bogaadin hawada u marinaysaa TV-ga Caalamiga ah SOMNEWS TV Maaluha Guud iyo Shaqaalaha TV-ga oo dhan. Kaasoo na siiyey Fursad aad qaali u ah oo lagu horumarinayo Bulsha weynta Soomaaliyeed ee ku kala nool daafaha caalamka, taasoo in badan aannu anagu soo wadnay iyada oo casharada lagu barto Technology-da Computerka ee ay bixiso shirkada sahalsoftware oo ay arday iyo ganacsato badanba ay nagaga xidhnaayeen dhinaca Internet ka website-keena ah www.sahalsoftware.comMaantana aadbaan ugu faraxsanahay in aad TV-yada casharada ka baran kartaan idinka oo gurigiina dhex jooga.

Hadaba Waxaan ugu bishaareynaynaa Dhammaan qofkasta oo danaynaya in isaga oo gurigiisa/xafiiskiisa dhex jooga inuu kor u qaado aqoontiisa Computerka inaad si toos ah (LIVE) aad uga daawan doontaan TV-ga Caalamiga ah ee SOMNEWS TV Haddii Alle idmo.

 

Casharadaas oo ka bixi doona TV-ga Isbuuciiba Halmar uuna dhigi doono Macalin ka mid ah Macilimiinta Sahalsoftware oo u leh khibrad gaar ah koorsooyinka la dhigi doono.

 

Waxaan idiin garanay inaan soo hor marino Barnaamijka Caanka ah ee QUICKBOOKS Version 14, Kaasoo baahidiisu ay aad u badan tahay, waxaan si gaar ah u ogeysiinaynaa inay ka faa’iideystaan ganacsatada Soomaaliyeed.

Dibaan idiinka soo sheegi doonaa Maalinta iyo Saacada aan u astaynay Insha allaah

 

Fadlan Adigaaga Akhrinaya Bishaaradan Nagala qeyb qaado Hawshan weyn ee aan isu xilsaarnay inaan bulshadeena horumarino, Marka Qaababka la isugu gudbiyo u gudbi oo gaadhsii Fariintan intii awoodada ah.  Sida hadaad leedahay ama maamushid

TV

Website

Radio

iyo Wixii Lamid ah. 

 

ALLAA MAHAD ISKA LEH

Gudoomiyaha Guud Shirkada Sahalsoftware

Eng Mohamed Jama

photo

Share This:

 
Number Course Name Tutor Lessons
1 Windows 8 Mohamed Jama Sahal 21 Halkan Riix oo Baro
3 Word 2007 Mohamed Jama Sahal 20 Halkan Riix oo Baro
4 Word 2013 Mohamed Jama Sahal 21 Halkan Riix oo Baro
6 Excel 2007 Mohamed Jama Sahal 18 Halkan Riix oo Baro
7 Excel 2013 Mohamed Jama Sahal 23 Halkan Riix oo Baro
8 Access 2007 Mohamed Jama Sahal 18 Halkan Riix oo Baro
9 Access 2013 Mohamed Jama Sahal 17 Halkan Riix oo Baro
10 Power Point 2007 Mohamed Jama Sahal 14 Halkan Riix oo Baro
11 Power Point 2013 Mohamed Jama Sahal 10 Halkan Riix oo Baro
12 Publisher Mohamed Jama Sahal 10 Halkan Riix oo Baro
13 Social Network Mohamed Jama Sahal 14 Halkan Riix oo Baro
14 Hardware Mohamed Jama Sahal 25 Halkan Riix oo Baro
15 Recovery Media Mohamed Jama Sahal 7 Halkan Riix oo Baro
16 Software Mohamed Jama Sahal 9 Halkan Riix oo Baro
17 General Accounting Mohamed Jama Sahal 16 Halkan Riix oo Baro
18 QuickBooks 2007 Mohamed Jama Sahal 19 Halkan Riix oo Baro
19 QuickBooks 2014 Mohamed Jama Sahal 21 Halkan Riix oo Baro
20 DacEasy Mohamed Jama Sahal 15 Halkan Riix oo Baro
21 HTML5 Mohamed Jama Sahal 34 Halkan Riix oo Baro
22 CSS Mohamed Jama Sahal 2 Halkan Riix oo Baro
23 ADSL Config - Network Mohamed Jama Sahal 13 Halkan Riix oo Baro
24 Visual Studio - VB - Mohamed Jama Sahal 23 Halkan Riix oo Baro
25 MySql Mohamed Jama Sahal 11 Halkan Riix oo Baro
26 Concepts Mohamed Jama Sahal 15 Halkan Riix oo Baro
26 Revision Basic PC Mohamed Jama Sahal 47 Halkan Riix oo Baro
27 Maths Mohamed Jama Sahal 37 Halkan Riix oo Baro
28 Hal-Xidhaale Mohamed Jama Sahal 25 Halkan Riix oo Baro
 

Fikradaha Akhristayaasha (1)




RIIX MUUQALADA HOOSE

Dooro Barnaamijkaad Rabtid