Asalaamu calaykum - Subax Wanaagsan - Waxaad kale oo aad Nagala socon kartaa www.youtube.com/channel/UCalwK_rEnGMvh4JdWfE8pog

Ogeysiis (Maalinta Imtixaanka) - Dhammaan Ardayda Online ka wax ku barata iyo kuwa Xarumaha sida tooska ah wax uga barta waa in ay u diyaar garoobaan Maalin ta imtixaanka bilaha la qaadayo oo ku beegan Bil kasta kowdeeda. Ogeysiis (Xiliga Qalin jabinta) - Waxaa la ogeysiinayaa Ardayda in Xaflada Qalin jabinta ay u diyaar garoobaan Bisha Oktoobar ee Sanad walba insha allaah, Xiligaas oo ku beegan aasaaskii Sahalsoftware. Ogeysiis (Su'aasha Fahamka Kumbuyuutarka) - Su'aashaas oo imtixaanaadka bilaha ku jirta waxaa laga soo dhex saarayaa Casharka webka la soo geliyo ee ku saabsan Fahamka kumbuyuutarka.

Bishaaro: Ma tahay qof jooga Magaalooyinkan (Laascaanood, Hargaysa, Burco, Buuhoodle iyo Ceegaag), Ma tahay qof jecel inuu barto Cilmiga Kumbuyuutarka, Haday Jawaabtu tahay Haa, ka faa'iideyso fursadan oo is qoristu waxay socotaa bil kasta oo dhalata kowdeeda illaa shanteeda, hadaba yeysan kaa buuxsamin ardayda la qaato oo kooban darteed ee Xarumahaas horey u gaadh.

Ogeysiis: Ardayda Online ka ah ee raba inay imtixaanka galaan qaabka ay lacagta u diri karayaan. 1. Waxay lacagta 15 Doolar ee bishii soo dhagayaan Akoonka aan ku leenahay Xawaalada Tawakal ee nambarkiisu yahay 252634496857 waxayna soo raacinayaan Magacooda oo Saddexan. 2. ka dib waxaad warqad u soo dirtaan cinwaankeena support@sahalsoftware.com 3. Wixii intaas dheer cinwaankaaga ayaa laguugu soo dirayaa insha allaah.

Guul Cusub Oo U Soo Hoyatay Buuhoodle

Ardaydii Ugu Horaysay Ee Ka Qalin Jabinsa Jaamacada Buuhoodle

Waxaa Wax lagu Farxo ah in Markii Ugu Horeysay in ay Deegaanka Buuhoodle Ka Soo Baxeen Arday Ka Qalin Jabinaysa Heerka Jaamacadeeda Ardaydan Ayaa Dhamaystay Jaamacada Bariga Africa Ee Buuhoodle.

Waa Markii Ugu Horaysay Ee Deegaanka Buuhoodle Ka Dhacdo Xaflad Qalin Jabin Arday Jaamacadeed xafladan ayaa Lugu Wadaa in ay Ku qabsoonto Hoolka Jaamacada Buuhoodle maalinta talaadada ah ee ay taariikhdu ku aadantahay 1da bisha sagaalaad ee sannadkan aynu ku jirno 2015 .

Xafladdan oo si wayn looga dareemayo  qabanqaabadeeda deegaanka  aya lagu wadaa in ay noqoto tii ugu wacdaro badnayd ee abid ka qabsoonta gobolka cayn .

Kasoo qayb galka xafladda ayaa waxa lagu marti qaaday ergo kala duwan oo isaga imanaysa gudaha dalka iyo debediisaba sidoo kale xubno ka tirsan bahweynta waxbarashada ee soomaaliyeed isimo cuqaal waxgarad culamaa’udiin ururrada bulshada haweenka iyo dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada .

Aradyda loo qabanayo xafladdan qalin jebinta ah ayaa tiradoodu dhantahay 30 arday kuwaas oo isugu jira Wiil iyo gabdho kana  qalin jabinaya kuliyadaha kala ah Shareecada (Islamic Study) iyo Computer Sciences (Information Technology) .

Ardayda dhamaysatay kulliyada shareecada ayaa ka kooban 15 arday oo dhamaystay afartii sano ee ay ka koobnayd waxbarashada jaamacadeed oo Ay Qaadanayaa Bachelor degree.

Halka ardayda ka qalin jebinaysa kulliyadda IT-ga ay ka koobanyihiin 15 arday oo dhamaystay laba sano diploma computer sciences.

Ardaydan Qalin jabinaysa Ayaa Qaadanaysa Shahaadada Jaamacada East Africa University Oo leh Aqoonsi Heer Caalami ah Shahaadada Jaamacada Ayaa La Soo Qaadanayey tan iyo 1999 ( 16 yrs) Iyadoo Ardayda Qaadatayna Ku Soo Diyaariyeen Master iyo PHD Dalalka Ku yaala Qaardaha Kala Duwan Ee Dunida. Ardaydaydan Ayaa Ah Ardaydii u Horeysay Ee Nasiib U Heshay In ay Shahaadadan Ku Diyaariyaaan Gurigooda Hooyo (Buuhoodle).

Qabanqaabada Xafladan oo  Si wayn Looga Dareemayaa Guud ahaan Gobolka Cayn Ayey Jaamacada U Samaysay Gudiyo Kala Duwan Oo Qaabilsan Habsami U Socodka Qaban Qaabada Xaflada guddiyadan ayaa kala ah sidatan :-

  • Gudida iclaamka
  • Gudida Diyaarinta Madasha
  • Gudida Dhaqaalaha
  • Gudida Soo Dhawaynta Wufuuda.
  • Gudida Baratakoolka Xaflada

Baahida deegaanka Gobolka Cayn u qabo jaamacad ayaa keentay in la daahfuro Jaamacada Buuhoodle oo Ka Dhisnayd Deegaanka Muddo Dhan 4  Sano iyada oo ku bilaabatay heer diploma ah kulliyadda shareecada taariikhdu markii ay ahayd 3/9/2011 .

Jaamacadda ayaa  heshay aqoonsiga jaamacadeed taariikhdu markii ay ahayd 4/10/2012 iyada oo xubin ka noqotay jaamacadda wayn ee East Africa University.

Ugu Dambayntii Xafladan Ayaa Ah Xaflada Taariikh ah oo Qiimo Wayn u Leh Guud Ahaan Umadda Soomaaliyeed Gaar ahaan Dad Weynaha Ku Dhaqan Gobolka Cayn.

 

GUDIGA ICLAANKA XAFLADDA

Gudidaxaflada@gmail.com

Hoos ka daawo Sawirada Jaamacada Buuhoodle

DSCN3441 jaamacada 6 - CopyDSCN3432 2014-02-28 17.41.01

3 12 25 DSC09146 buhodle DSC02613 buhodleDSC01996

Share This:

 
Number Course Name Tutor Lessons
1 Windows 8 Mohamed Jama Sahal 21 Halkan Riix oo Baro
3 Word 2007 Mohamed Jama Sahal 20 Halkan Riix oo Baro
4 Word 2013 Mohamed Jama Sahal 21 Halkan Riix oo Baro
6 Excel 2007 Mohamed Jama Sahal 18 Halkan Riix oo Baro
7 Excel 2013 Mohamed Jama Sahal 23 Halkan Riix oo Baro
8 Access 2007 Mohamed Jama Sahal 18 Halkan Riix oo Baro
9 Access 2013 Mohamed Jama Sahal 17 Halkan Riix oo Baro
10 Power Point 2007 Mohamed Jama Sahal 14 Halkan Riix oo Baro
11 Power Point 2013 Mohamed Jama Sahal 10 Halkan Riix oo Baro
12 Publisher Mohamed Jama Sahal 10 Halkan Riix oo Baro
13 Social Network Mohamed Jama Sahal 14 Halkan Riix oo Baro
14 Hardware Mohamed Jama Sahal 25 Halkan Riix oo Baro
15 Recovery Media Mohamed Jama Sahal 7 Halkan Riix oo Baro
16 Software Mohamed Jama Sahal 9 Halkan Riix oo Baro
17 General Accounting Mohamed Jama Sahal 16 Halkan Riix oo Baro
18 QuickBooks 2007 Mohamed Jama Sahal 19 Halkan Riix oo Baro
19 QuickBooks 2014 Mohamed Jama Sahal 21 Halkan Riix oo Baro
20 DacEasy Mohamed Jama Sahal 15 Halkan Riix oo Baro
21 HTML5 Mohamed Jama Sahal 34 Halkan Riix oo Baro
22 CSS Mohamed Jama Sahal 2 Halkan Riix oo Baro
23 ADSL Config - Network Mohamed Jama Sahal 13 Halkan Riix oo Baro
24 Visual Studio - VB - Mohamed Jama Sahal 23 Halkan Riix oo Baro
25 MySql Mohamed Jama Sahal 11 Halkan Riix oo Baro
26 Concepts Mohamed Jama Sahal 15 Halkan Riix oo Baro
26 Revision Basic PC Mohamed Jama Sahal 47 Halkan Riix oo Baro
27 Maths Mohamed Jama Sahal 37 Halkan Riix oo Baro
28 Hal-Xidhaale Mohamed Jama Sahal 25 Halkan Riix oo Baro
 

Fikradaha Akhristayaasha (7)




RIIX MUUQALADA HOOSE

Dooro Barnaamijkaad Rabtid