Asalaamu calaykum - Subax Wanaagsan - Waxaad kale oo aad Nagala socon kartaa www.youtube.com/channel/UCalwK_rEnGMvh4JdWfE8pog

Ogeysiis (Maalinta Imtixaanka) - Dhammaan Ardayda Online ka wax ku barata iyo kuwa Xarumaha sida tooska ah wax uga barta waa in ay u diyaar garoobaan Maalin ta imtixaanka bilaha la qaadayo oo ku beegan Bil kasta kowdeeda. Ogeysiis (Xiliga Qalin jabinta) - Waxaa la ogeysiinayaa Ardayda in Xaflada Qalin jabinta ay u diyaar garoobaan Bisha Oktoobar ee Sanad walba insha allaah, Xiligaas oo ku beegan aasaaskii Sahalsoftware. Ogeysiis (Su'aasha Fahamka Kumbuyuutarka) - Su'aashaas oo imtixaanaadka bilaha ku jirta waxaa laga soo dhex saarayaa Casharka webka la soo geliyo ee ku saabsan Fahamka kumbuyuutarka.

Bishaaro: Ma tahay qof jooga Magaalooyinkan (Laascaanood, Hargaysa, Burco, Buuhoodle iyo Ceegaag), Ma tahay qof jecel inuu barto Cilmiga Kumbuyuutarka, Haday Jawaabtu tahay Haa, ka faa'iideyso fursadan oo is qoristu waxay socotaa bil kasta oo dhalata kowdeeda illaa shanteeda, hadaba yeysan kaa buuxsamin ardayda la qaato oo kooban darteed ee Xarumahaas horey u gaadh.

Ogeysiis: Ardayda Online ka ah ee raba inay imtixaanka galaan qaabka ay lacagta u diri karayaan. 1. Waxay lacagta 15 Doolar ee bishii soo dhagayaan Akoonka aan ku leenahay Xawaalada Tawakal ee nambarkiisu yahay 252634496857 waxayna soo raacinayaan Magacooda oo Saddexan. 2. ka dib waxaad warqad u soo dirtaan cinwaankeena support@sahalsoftware.com 3. Wixii intaas dheer cinwaankaaga ayaa laguugu soo dirayaa insha allaah.

Shirkadda Google oo ka Hir-gelinaysa Hindiya Internet lacag la’aan ah Weliba kasii xawaare badan kuwa kale

Shirkadda GOOGLE, ayaa Mashruuc Internet oo lacag la’aan ah ka Hir-galinaysa laga Dalka Hindiya si ay u hesho dad badan oo isticmaala adeegeeyada shirkaddan. Adeegan Internet oo lagu Magacaabo Google Station, ayaa Wi-Fi siin doona Saldhigyada Tareennada, iyadoo la doonayo in lagu sii ballaariyo dukaamada iyo maqaayadaha.

Sidoo kale, Google ayaa hadda bixisa adeegyo Internet aad u dhaqso badan oo lacag la’aan ah, kuwaasoo ay siiso 52 saldhig oo kuwa Tareenada ah oo ku yaalla ee Hindiya. waxayna shirkaddu sheegtay in mashruucan Internet la gaarsiin doono illaa 100 saldhig tareen marka la gaaro dhamaadka sanadkan.

“Mashruucan wuxuu ka mid noqonayaa mashaariicda Internet-ka ugu wayn ee shacabka Hindiya ka dhexeyn doona, sidoo kale wuxuu noqonayaa midka ugu weyn Adduunka ee ay dad badan isticmaalaan,” ayuu yiri Madaxa Google ee Gobolka Sundar Pichai ee dalka Hindiya.

Wuxuuna intaas ku daray. “Markii la gaarsiiyo 100 saldhig Tareen mashruuca internet-ka, waxaana la qiyaasayaa inay isticmaali doonaan shacab ka badan illaa 10-milyan oo qof, kuwaasoo maalin walba isticmaala tareennada.”.

Adeegan Internet ee Google ay ka hirgelinayso Hindiya ayaa marka hore ku billaaban doona si lacag la’aan ah, balse shirkadda ayaa sheegtay inay wado qorshe cusub oo ay ku doonayso mustaqbalka inay lacag ka dhigto. kaddib marka ay gaarsiiso 400 oo Saldhigyada Tareennada ah, Waxayna sidoo kale qorsheynaysaa in ay mashruucaan la kaashato shirkado kale si loo gaarsiiyo xarumaha ganacsiga sida; Dukaamada, Maqaayadaha iyo Meelaha kale ee ay ka mid yihiin kuwa kubadda cagta laga daawado.

, oo ah gudoomiye ku xigeenka qaybta loogu talogalay bilyanka qof ee macaamiisha mustaqbalka, oo lagu beegsanayo waddamada dhaqaalahoodu soo karayo: “Ilbiriqsi kasta saddex qof ayaa soo gala internetka, waxaan doonaynaa, inaan hubino inay helaan adeeg fiican.

“Saddex qof ayaa gala il-biriqsi kasta Internet-ka, balse mustaqbalka wuu ka duwanaan doonaa sidan. waxaana rajeynaynaa inay dad badan isticmaalaan si ay ula xiriiraan caalamka intiisa kale,” ayuu yiri Ceasar Sengupta oo ka mid ah saraakiisha shirkadda Google ee dalka Hindiya.

Ugu dambeyn, Dalka India ayaa waxaa Internet-ka Isticmaala dad tiradooda lagu qiyaasay illaa 350-milyan oo qof, Waxaana la filayaa inay noqdaan 600 oo milyan – saddexda sano ee soo socota.

Share This:

 
Number Course Name Tutor Lessons
1 Windows 8 Mohamed Jama Sahal 21 Halkan Riix oo Baro
3 Word 2007 Mohamed Jama Sahal 20 Halkan Riix oo Baro
4 Word 2013 Mohamed Jama Sahal 21 Halkan Riix oo Baro
6 Excel 2007 Mohamed Jama Sahal 18 Halkan Riix oo Baro
7 Excel 2013 Mohamed Jama Sahal 23 Halkan Riix oo Baro
8 Access 2007 Mohamed Jama Sahal 18 Halkan Riix oo Baro
9 Access 2013 Mohamed Jama Sahal 17 Halkan Riix oo Baro
10 Power Point 2007 Mohamed Jama Sahal 14 Halkan Riix oo Baro
11 Power Point 2013 Mohamed Jama Sahal 10 Halkan Riix oo Baro
12 Publisher Mohamed Jama Sahal 10 Halkan Riix oo Baro
13 Social Network Mohamed Jama Sahal 14 Halkan Riix oo Baro
14 Hardware Mohamed Jama Sahal 25 Halkan Riix oo Baro
15 Recovery Media Mohamed Jama Sahal 7 Halkan Riix oo Baro
16 Software Mohamed Jama Sahal 9 Halkan Riix oo Baro
17 General Accounting Mohamed Jama Sahal 16 Halkan Riix oo Baro
18 QuickBooks 2007 Mohamed Jama Sahal 19 Halkan Riix oo Baro
19 QuickBooks 2014 Mohamed Jama Sahal 21 Halkan Riix oo Baro
20 DacEasy Mohamed Jama Sahal 15 Halkan Riix oo Baro
21 HTML5 Mohamed Jama Sahal 34 Halkan Riix oo Baro
22 CSS Mohamed Jama Sahal 2 Halkan Riix oo Baro
23 ADSL Config - Network Mohamed Jama Sahal 13 Halkan Riix oo Baro
24 Visual Studio - VB - Mohamed Jama Sahal 23 Halkan Riix oo Baro
25 MySql Mohamed Jama Sahal 11 Halkan Riix oo Baro
26 Concepts Mohamed Jama Sahal 15 Halkan Riix oo Baro
26 Revision Basic PC Mohamed Jama Sahal 47 Halkan Riix oo Baro
27 Maths Mohamed Jama Sahal 37 Halkan Riix oo Baro
28 Hal-Xidhaale Mohamed Jama Sahal 25 Halkan Riix oo Baro
 

Fikradaha Akhristayaasha (2)

  1. asc macaliinta dhamaan sahalsoftware aad iyo aad baad umahadsantihiin hawshan aad uqabateen umada somaliyeed ama da,yarta somaliyed waxaan aad uga faa iidaystay ama daawaday computerka in kasto cashirada qaar downloud kii dideen lkin wax badan baan ka qaty asxab farabadana waan gaar siiyaya wabsiteka markaa waxaan rabaa insha aalhu markaan xooga akhristo inaan si toosa isu diwaan galiyo imtixaana la iga qaado kadib shaahaado la isiiyo ,jasakallhu khyr sahal software




RIIX MUUQALADA HOOSE

Dooro Barnaamijkaad Rabtid