Asalaamu calaykum - Habeen Wanaagsan - Waxaad kale oo aad Nagala socon karta www.youtube.com/channel/UCalwK_rEnGMvh4JdWfE8pog

Ogeysiis (Maalinta Imtixaanka) - Dhammaan Ardayda Online ka wax ku barata iyo kuwa Xarumaha sida tooska ah wax uga barta waa in ay u diyaar garoobaan Maalin ta imtixaanka bilaha la qaadayo oo ku beegan Bil kasta kowdeeda. Ogeysiis (Xiliga Qalin jabinta) - Waxaa la ogeysiinayaa Ardayda in Xaflada Qalin jabinta ay u diyaar garoobaan Bisha Oktoobar ee Sanad walba insha allaah, Xiligaas oo ku beegan aasaaskii Sahalsoftware. Ogeysiis (Su'aasha Fahamka Kumbuyuutarka) - Su'aashaas oo imtixaanaadka bilaha ku jirta waxaa laga soo dhex saarayaa Casharka webka la soo geliyo ee ku saabsan Fahamka kumbuyuutarka.

Bishaaro: Ma tahay qof jooga Magaalooyinkan (Laascaanood, Hargaysa, Burco, Buuhoodle iyo Ceegaag), Ma tahay qof jecel inuu barto Cilmiga Kumbuyuutarka, Haday Jawaabtu tahay Haa, ka faa'iideyso fursadan oo is qoristu waxay socotaa bil kasta oo dhalata kowdeeda illaa shanteeda, hadaba yeysan kaa buuxsamin ardayda la qaato oo kooban darteed ee Xarumahaas horey u gaadh.

Ogeysiis: Ardayda Online ka ah ee raba inay imtixaanka galaan qaabka ay lacagta u diri karayaan. 1. Waxay lacagta 15 Doolar ee bishii soo dhagayaan Akoonka aan ku leenahay Xawaalada Tawakal ee nambarkiisu yahay 252634496857 waxayna soo raacinayaan Magacooda oo Saddexan. 2. ka dib waxaad warqad u soo dirtaan cinwaankeena support@sahalsoftware.com 3. Wixii intaas dheer cinwaankaaga ayaa laguugu soo dirayaa insha allaah.

Qisadii Wadadii Guusha : Haka daalin Hadafkaaga —

 

 — Qisadii wadadii dheerayd ee dhanka guusha ——-
======================
– Waxaa jiray nin dhalinyara ah oo markii ay da’diisu ahayd 31 sano bilaabay shaqo ganacsi lkn nasiib darro ku khasaaray,

– hadana markii uu gaadhay 32 sano ayuu Galay tartanka doorashada dalkiisa lkn si xun ugu fashilmay

– hadana markii uu jirsaday 34 sano ayuu shaqadii ganacsi dib u bilaabay lkn wuu ku khasaaray mar labaad

– hadana markii uu ahaa 35 sano waxaa dhimatay marwadiisii wuxuuna noqday iskaabulo

– markii uu gaadhay 36 sano waxaa ku dhacay xanuun aad udaran oo dhanka neerfaha ah

–  markii uu jirsaday 43 sano ayuu isu sharaxay tartanka golaha kongareeska ee dalka marayknka lkn wuu ku fashilmay mar kale

– hadana markii uu gaadhay 46 sano ayuu isla koongareeskii isu sharaxay lkn sidii oo kale ayuu ugu fashilmay

–  hadana markii uu gaadhay 48 sano ayuu isa sharaxay lkn sidii looga bartay ayuu u khasaaray

–  markii uu gaadhay 55 sano ayuu isu sharaxay inuu kamid noqdo golaha odayaasha maraykanka lkn wuu ku fashilmay

– hadana markii uu jirsaday 56 sano ayuu isku dayay inuu noqdo madaxwayne ku xigeenka maraykanka lkn wuu ku khasaaray

– hadana markii uu gaadhay 58 sano ayuu isu sharaxay ka mid noqoshada golaha odayaasha maraykanka mar labaad lkn wuu ku fashilmay

– Ugu dambayn markii uu Madaxa la galay 60 sano ayuu u tartamay xilka madaxwaynanimo wuxuuna ku guulaystay inuu noqdo madaxdii soo martay dalka maraykanka midka ugu khatarsana

Ninkaasi wuxuu ahaa madaxwaynihii 16aad ee dalka maraykanka Abraham Lincoln oo ahaa madaxwayne mudadii u dhaxaysay 1860-1865-

qisadan waxaan uga go’lleyahay Hadii aad Yool cad leedahay ood rabto inaad gaadho ha uga fadhiisan khasaare mar iyo laba mar ku soo gaadha,

waa inaad go”aankaga ku taagnataa waa in aadan caajisin ama aadan oran waxaan ani ma awoodo ama ma qaban karo – dheh waan awoodaha mana ka caajisaayo ilaa inta aan ka gaarayo yoolkayga hadafkayga guul darada hore waxay dhashaa guusha danbe ee dhabta ah

Waliba adigu muslim ayaad tahay oo haysta Allah aad tala saarato ood barido oo ku gaadhsiinaya meel kasta oo aad rabto oo khayrkana ku jiro Go’aanka qaado Allah tala saaro waxba maka xumaanayaan hadalka dadka niyada kaa dilayana dhag ha dhugin

————————————————————————————— by faatin

 

 

 
Number Course Name Tutor Lessons
1 Windows 8 Mohamed Jama Sahal 21 Halkan Riix oo Baro
3 Word 2007 Mohamed Jama Sahal 20 Halkan Riix oo Baro
4 Word 2013 Mohamed Jama Sahal 21 Halkan Riix oo Baro
6 Excel 2007 Mohamed Jama Sahal 18 Halkan Riix oo Baro
7 Excel 2013 Mohamed Jama Sahal 23 Halkan Riix oo Baro
8 Access 2007 Mohamed Jama Sahal 18 Halkan Riix oo Baro
9 Access 2013 Mohamed Jama Sahal 17 Halkan Riix oo Baro
10 Power Point 2007 Mohamed Jama Sahal 14 Halkan Riix oo Baro
11 Power Point 2013 Mohamed Jama Sahal 10 Halkan Riix oo Baro
12 Publisher Mohamed Jama Sahal 10 Halkan Riix oo Baro
13 Social Network Mohamed Jama Sahal 14 Halkan Riix oo Baro
14 Hardware Mohamed Jama Sahal 25 Halkan Riix oo Baro
15 Recovery Media Mohamed Jama Sahal 7 Halkan Riix oo Baro
16 Software Mohamed Jama Sahal 9 Halkan Riix oo Baro
17 General Accounting Mohamed Jama Sahal 16 Halkan Riix oo Baro
18 QuickBooks 2007 Mohamed Jama Sahal 19 Halkan Riix oo Baro
19 QuickBooks 2014 Mohamed Jama Sahal 21 Halkan Riix oo Baro
20 DacEasy Mohamed Jama Sahal 15 Halkan Riix oo Baro
21 HTML5 Mohamed Jama Sahal 34 Halkan Riix oo Baro
22 CSS Mohamed Jama Sahal 2 Halkan Riix oo Baro
23 ADSL Config - Network Mohamed Jama Sahal 13 Halkan Riix oo Baro
24 Visual Studio - VB - Mohamed Jama Sahal 23 Halkan Riix oo Baro
25 MySql Mohamed Jama Sahal 11 Halkan Riix oo Baro
26 Concepts Mohamed Jama Sahal 15 Halkan Riix oo Baro
26 Revision Basic PC Mohamed Jama Sahal 47 Halkan Riix oo Baro
27 Maths Mohamed Jama Sahal 37 Halkan Riix oo Baro
28 Hal-Xidhaale Mohamed Jama Sahal 25 Halkan Riix oo Baro
 

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. axmed farax says:

    asc walahi wa sheko dhaliyaro badan aniga Aan ka mid ahay hadafkoda adkenesa wana Ku mahad santahiin sahal soft ware




RIIX MUUQALADA HOOSE

Dooro Barnaamijkaad Rabtid