Asalaamu calaykum - Subax Wanaagsan - Waxaad kale oo aad Nagala socon kartaa www.youtube.com/channel/UCalwK_rEnGMvh4JdWfE8pog

Ogeysiis (Maalinta Imtixaanka) - Dhammaan Ardayda Online ka wax ku barata iyo kuwa Xarumaha sida tooska ah wax uga barta waa in ay u diyaar garoobaan Maalin ta imtixaanka bilaha la qaadayo oo ku beegan Bil kasta kowdeeda. Ogeysiis (Xiliga Qalin jabinta) - Waxaa la ogeysiinayaa Ardayda in Xaflada Qalin jabinta ay u diyaar garoobaan Bisha Oktoobar ee Sanad walba insha allaah, Xiligaas oo ku beegan aasaaskii Sahalsoftware. Ogeysiis (Su'aasha Fahamka Kumbuyuutarka) - Su'aashaas oo imtixaanaadka bilaha ku jirta waxaa laga soo dhex saarayaa Casharka webka la soo geliyo ee ku saabsan Fahamka kumbuyuutarka.

Bishaaro: Ma tahay qof jooga Magaalooyinkan (Laascaanood, Hargaysa, Burco, Buuhoodle iyo Ceegaag), Ma tahay qof jecel inuu barto Cilmiga Kumbuyuutarka, Haday Jawaabtu tahay Haa, ka faa'iideyso fursadan oo is qoristu waxay socotaa bil kasta oo dhalata kowdeeda illaa shanteeda, hadaba yeysan kaa buuxsamin ardayda la qaato oo kooban darteed ee Xarumahaas horey u gaadh.

Ogeysiis: Ardayda Online ka ah ee raba inay imtixaanka galaan qaabka ay lacagta u diri karayaan. 1. Waxay lacagta 15 Doolar ee bishii soo dhagayaan Akoonka aan ku leenahay Xawaalada Tawakal ee nambarkiisu yahay 252634496857 waxayna soo raacinayaan Magacooda oo Saddexan. 2. ka dib waxaad warqad u soo dirtaan cinwaankeena support@sahalsoftware.com 3. Wixii intaas dheer cinwaankaaga ayaa laguugu soo dirayaa insha allaah.

Boqoroow, Dameerku Maskax Ma Lahayn (Akhri “Sheekadan waxyar oo waxa aad ka fahantay hoos ku soo qor

Boqoroow, Dameerku Maskax Ma Lahayn (Akhri “Sheekadan waxyar oo waxa aad ka fahantay hoos ku soo qor”)
““““““““““““““““““““““““““““““““““““““

Beri hore waxaa saaxiib ahaa libaax iyo dawaco. Waxay ku noolaayeen kayn aad iyo aad u qurux badan. Maalin walba wey wada socon jireen oo wey wada u gaarsan jireen. Waxaa isna ayda ku noolaa dameer shilis.

Maalin maalmaha ka mid ah buu libaaxi dawacadii ku yiri “Dayooy, waxaad u tagtaa dameerka ayda inagula nool oo waxaad ku tiraahdaa, ‘Libaax baa ku martiqaaday'”. Dayo oo faraxsan baa iyada oo baqdin iyo xishood muujinaysa tiri “Boqoroow, amarkaaga degdeg baan u fulinayaa!”.

Markiiba intay orod isa sidaysay bey aydii ka raadisay dameerkii. Waxay dondoontaba waxay heshey isaga oo intuu carmo ka dhergay biqlaynaya. Iyada oo qoslaysa bey dameerkii ku tiri. “Saaxiboow waa ku salaamay. Waxaan kuu wadaa war xiiso leh. Boqorkii aydu wuu ku martiqaaday ee inakeen!”.

Dameerkii oo aad u faraxsan baa yiri, “Dayooy, war farxad leh baad ii keentay! Haddii boqorkii aydu i martiqaaday qadarini igama maqna ee ina wadi aan boqorka la kulmee!”.

Muddo yar kadib waxa ay u yimaadeen libaaxii oo geed hadhweyn jiifa. Marku maqlay sanqadhii dayo iyo dameerkii buu soo booday. Intu cirka isku shareeray buu dameerkii dusha kaga yimi oo luqunta kala jebiyey. Markuu diley buu dayo ku yiri, “Caawa baan ku cashaynaynaa ee waa yara seexanayaaye ilaali hilibka oo ha taban haddii aanad doonayn adigana in lagu…….”

Dayo oo arkaysay waxa dameerka ku dhacay oo baqdin la gariiraysay baa ku celcelisay, “Waayahay boqoroow!, Waayahay boqoroow!, Soo naso cidina amarkaaga ma jabinaysee!”

Dawacadii waxa ay agfadhiisatay dameerkii. Waxaa haysay gaajo aad u xun, libaaxiina waa soo noqon waayey. Waxay ku tashatay inay hilibka meel aan libaaxu arkayn waxooga ka cunto. Ugu danbayntii waxay sanka ka nuugtay maskaxdii dameerka oo liday.

Libaaxii marku soo noqday wuxuu fiirfiiriyey dameerkii. Shaki baa galay markaas buu dayo ku jeestay oo yiri, ” Dameerka hilibkiisii ma qaarbaa maqan?”

Adiga aan su’aal ku weydiiyo akhrinaya qoraalkan, Maxaad is leedahay bay dayo ku jawaabaysaa oo maskaxdaada ku soo dhacay ?.

Jawaabta Dayo.

Dayo oo naxsan baa ku jawaabtay, “Boqoroow uurkujirtii wey dhan tahay!”

intuu indhow kulul ku eegey buu ku yiri “Maskaxdiina?”

Dayo ayaa la soo booday, “Boqoroow, dameerku maskax ma lahayn! Haddu maskax leeyahay miyuu kuu imanlahaa?”

Jawaabta libaaxa iyo sheekadan waxa kaaga baxay akhristaha ayaan uga tagay.

@ Joornalka Gurmad ee ka soo baxa Laascaanood – Prof Xayd.

#LIKE_SHARE_COMMENTS Ha ilaawin si aan sheekooyin kale kuula

Share This:

 
Number Course Name Tutor Lessons
1 Windows 8 Mohamed Jama Sahal 21 Halkan Riix oo Baro
3 Word 2007 Mohamed Jama Sahal 20 Halkan Riix oo Baro
4 Word 2013 Mohamed Jama Sahal 21 Halkan Riix oo Baro
6 Excel 2007 Mohamed Jama Sahal 18 Halkan Riix oo Baro
7 Excel 2013 Mohamed Jama Sahal 23 Halkan Riix oo Baro
8 Access 2007 Mohamed Jama Sahal 18 Halkan Riix oo Baro
9 Access 2013 Mohamed Jama Sahal 17 Halkan Riix oo Baro
10 Power Point 2007 Mohamed Jama Sahal 14 Halkan Riix oo Baro
11 Power Point 2013 Mohamed Jama Sahal 10 Halkan Riix oo Baro
12 Publisher Mohamed Jama Sahal 10 Halkan Riix oo Baro
13 Social Network Mohamed Jama Sahal 14 Halkan Riix oo Baro
14 Hardware Mohamed Jama Sahal 25 Halkan Riix oo Baro
15 Recovery Media Mohamed Jama Sahal 7 Halkan Riix oo Baro
16 Software Mohamed Jama Sahal 9 Halkan Riix oo Baro
17 General Accounting Mohamed Jama Sahal 16 Halkan Riix oo Baro
18 QuickBooks 2007 Mohamed Jama Sahal 19 Halkan Riix oo Baro
19 QuickBooks 2014 Mohamed Jama Sahal 21 Halkan Riix oo Baro
20 DacEasy Mohamed Jama Sahal 15 Halkan Riix oo Baro
21 HTML5 Mohamed Jama Sahal 34 Halkan Riix oo Baro
22 CSS Mohamed Jama Sahal 2 Halkan Riix oo Baro
23 ADSL Config - Network Mohamed Jama Sahal 13 Halkan Riix oo Baro
24 Visual Studio - VB - Mohamed Jama Sahal 23 Halkan Riix oo Baro
25 MySql Mohamed Jama Sahal 11 Halkan Riix oo Baro
26 Concepts Mohamed Jama Sahal 15 Halkan Riix oo Baro
26 Revision Basic PC Mohamed Jama Sahal 47 Halkan Riix oo Baro
27 Maths Mohamed Jama Sahal 37 Halkan Riix oo Baro
28 Hal-Xidhaale Mohamed Jama Sahal 25 Halkan Riix oo Baro
 

Fikradaha Akhristayaasha (0)




RIIX MUUQALADA HOOSE

Dooro Barnaamijkaad Rabtid