Asalaamu calaykum - Subax Wanaagsan - Waxaad kale oo aad Nagala socon kartaa www.youtube.com/channel/UCalwK_rEnGMvh4JdWfE8pog

Ogeysiis (Maalinta Imtixaanka) - Dhammaan Ardayda Online ka wax ku barata iyo kuwa Xarumaha sida tooska ah wax uga barta waa in ay u diyaar garoobaan Maalin ta imtixaanka bilaha la qaadayo oo ku beegan Bil kasta kowdeeda. Ogeysiis (Xiliga Qalin jabinta) - Waxaa la ogeysiinayaa Ardayda in Xaflada Qalin jabinta ay u diyaar garoobaan Bisha Oktoobar ee Sanad walba insha allaah, Xiligaas oo ku beegan aasaaskii Sahalsoftware. Ogeysiis (Su'aasha Fahamka Kumbuyuutarka) - Su'aashaas oo imtixaanaadka bilaha ku jirta waxaa laga soo dhex saarayaa Casharka webka la soo geliyo ee ku saabsan Fahamka kumbuyuutarka.

Bishaaro: Ma tahay qof jooga Magaalooyinkan (Laascaanood, Hargaysa, Burco, Buuhoodle iyo Ceegaag), Ma tahay qof jecel inuu barto Cilmiga Kumbuyuutarka, Haday Jawaabtu tahay Haa, ka faa'iideyso fursadan oo is qoristu waxay socotaa bil kasta oo dhalata kowdeeda illaa shanteeda, hadaba yeysan kaa buuxsamin ardayda la qaato oo kooban darteed ee Xarumahaas horey u gaadh.

Ogeysiis: Ardayda Online ka ah ee raba inay imtixaanka galaan qaabka ay lacagta u diri karayaan. 1. Waxay lacagta 15 Doolar ee bishii soo dhagayaan Akoonka aan ku leenahay Xawaalada Tawakal ee nambarkiisu yahay 252634496857 waxayna soo raacinayaan Magacooda oo Saddexan. 2. ka dib waxaad warqad u soo dirtaan cinwaankeena support@sahalsoftware.com 3. Wixii intaas dheer cinwaankaaga ayaa laguugu soo dirayaa insha allaah.

KAMA EYSAN QUUSAN JACEYLKEEDA.

Maalin Qurux badan bey aheyd Abuul Caas isagoo Faraxsan ayuu u yimi Rasuulka CSW , waa inta uusan Waxyigu ku bilaaban Rasuulka, isla markaasna weli uusan Nebi noqon, dabadeedna wuxuu ku yiri ”Waxaan rabaa Gabadhaada Curadda ah inaan Guursado ee ma i siineysaa?

Rasuulka CSW, wuxuu ku yiri waa inaan marka hore iyada soo weydiiyaa, dabadeedna wuxuu soo abaaray Gabadhiisii Saynab RC, wuxuuna u sheegay warkii uu ina Abtigeed la yimi (Abuul Caas waxa dhalay Khadiijo Walaalkeed), Seynab durbadiiba waxey muujisay Weji Farxad iyo Xishood ku gadaaman yahay, waxeyna Aqbashay in loo Guuriyo Ina Abtigeed, sidaasi ayaana loogu Guuriyeen.

Saynab iyo Abuul Caas waxey noqdeen Lamaane aad iskugu Faraxsan, jacayl Qoyskiisii ugu Sareeyay baa u Bilowday, Waqti badanba kuma qaadan inay Laba ilmood u dhashaan oo ay u bixiyeen Cali iyo Cumaama, Halkaas marka ay Sheekadoodii mareysay ayuu Bilowday Waxyigii Rasuulka, Rasuulkana uu ku Dhawaaqay inuu yahay Nabi ilaahay soo diray.

Abuul Caas Magaalada Makkah wuu ka maqnaa marka Nabigu uu Waxyigu ku Bilaabanayay, ka dibna markuu soo noqday wuxuu la Kulmay Xaaskiisii oo Muslim Noqotay waa Saynabe, durbadiiba markii uu soo noqday waxey ku Salaantay waxaan kuu hayaa War weyn oo aad ku Faraxdo, waxeyna ku tiri Aabahey wuxuu noqday Nabbi, aniguna waxaan noqday Muslimad, Abuul Caas inta uu Istaagay kana Dhaqaaqay ayuu yiri maxaad Seynabeey aniga iigu sheegi weyday intaadan Muslim noqon? Halkaas buuna ka bilowday Murankii iyo Maalmihii Madoobaa ee Labada Lamaane soo kala Dhexgalay.

Waxey u sheegtay ineysan Aabaheed beenin karin iyo Fariinta uu Allaah SW, noogu soo dhiibay, waxey kaloo u sheegtay in Aabaheed uu yahay Ninka ugu daacadsan, uguna Run badan dhamaan Carab oo dhan, waxeyna u sii raacisay ineysan keligeed Muslim noqon ee sidoo kale Gabdhihii Walaalaheed ahaa ay Kuli Muslimiin noqdeen in Hooyadeed Khadiija RC, ay Muslim noqotay in Ina Adeerkeed Cali Bin Abii Daalib RC, uu Muslin noqday in Xataa isaga ina Adeerkii Cusmaan Bin Cafaan RC, uu Muslin Noqday iyo In Saaxiibkii Abuu Bakar Sadiiq RC, uu Muslim Noqday.

Intaas markuu maqlay inta uu is dejiyay ayuu wuxuu ugu jawaabay ”Aniga ahaan ma rabo in ay Dadkaygu i yiraahdaan wuxuu meel uga dhacay Dadkiisii, wuxuuna Dhulka la galay Sharaftii Aabayaashii isagoo Xaaskiisa qancinaaya, Aabahaana waxba ku eedayn maayo marka ma iga Raali ahaan kartaa Fikirkaygana ma iigu Garaabeysaa?”.

Waxey ugu jawaabtay ”Haddii aanan Anigu ku Fahmin oo kaa Raali noqon yaa kaloo ku Fahmaaya, waxaan ahaan doonaa Garabkaaga ilaa ay Xaqiiqdu Qalbigaaga gaarto” Abuul Caas sidii buu Gaal ku ahaa Seynabna ay Muslimad ku ahayd, dabadeedna waxa la soo gaaray Waqtigii Hijrada iyo in Muslimiintu u baxaan Madiina, Seynab RC, waxey u timi Rasuulka CSW, waxeyna ka Codsatay iney Ninkeeda la joogto Makkah, oo aysan Muslimiinta raacin maadama uusan isagu Muslim aheyn, Madiinana uusan iyada u Raaci karin, Markaasuu Rasuulkuna ku yiri la joog Odaygaaga iyo Caruurtaada.

Seynab RC, sidii bey Makkah ku sii joogtay ilaa uu ka dhacay Dagaalkii weynaa ee Baddar, Abuul Caas wuxuu ku jiray Dagaalka, wuxuuna la socday Kufaaru Quraysh, isagoo la Dagaalamayay Muslimiinta iyo Rasuulka, Saynab waxaa iskugu biirtay Laba Cabsiyood waa Ninkeedii oo la Dagaalamaya Aabaheed, oo kii Dagaalka ku dhintaba uu kii kale uga daran yahay, waxey ahayd mid Habeen iyo Maalin Oohin iyo ilmo aan kala joojin, mar walbana waxey ku Duceysan jirtay ”Ilaahow Maalin Qoraxda ha igu soo saarin anigoo aan arkaayo Caruurtayda oo Agoon ah ama Aabahey Geeridiisa.

Dagaalkii wuu dhamaaday Abuul Caasna wuxuu galay Gacantii Muslimiinta, isagoo qafaal ahaan loo qabsaday, Seynab waxey u dirtay Rasuulka CSW, Madax Furashadii lagu soo deyn lahaa Abuul Caas, wax Hanti ah oo kale ma eysan heysane waxay u soo Dhiibtay Katiinad ay Hooyadeed Hadda ka hor Hadiyad ahaan u siisay, Rasuulka oo meel Fadhiya oo dadkana la sii deynayo Madax Furashadooda Aqbalaya ayaa Hal mar isha ku dhuftay Katiinadii Khadiijo RC, wuxuu Dareemay Rasuulka Xasuus iyo Waayo qurux badan, isla markaasna wuxuu dadkii weydiiyay yaa laga bixinayaa Katiinadaan?, waxaa lagu yiri Abuul Caas Ibnu Rabiic.

Aamus iyo Daqiiqado illin wata, ka dib Rasuulka CSW, intuu dadkii ka dhex kacay ayuu kor u yiri ” Dadoow Ninkaan waxaan u ahay Sodog ee ma iga Aqbalaysaan inaan sii daayo, Katiinadaana loo celiyo Gabadheydii Seynab?” Cod mideysan ayey Asxaabtii ku Aqbaleen Codsigii Rasuulka CSW, dabadeedna Rasuulku inta uu gaar ula baxay Abuul Caas ayuu ku yiri:- Katiinadaan u geey Seynab, una sheeg in eysan Katiinada Khadiijo weligeed bixin, wuxuu kaloo Rasuulku uu ku yiri:- ilaahey wuxuu i Amray inaan kala Furo Gaal iyo Muslim ee Abuul CaasÄ·ow Gabadheydii ma ii soo celineysaa kuuma banaan inaad Ninkeeda sii ahaatide”, Abuul Caasna wuu Aqbalay Codsigii Rasuulka CSW.

Seynab RC, waxay taagneed Afka hore ee Makkah, iyadoo sugeysa inta uu soo gaarayo Xabiibkeedu, ugu dambayn markii uu Abuul Caas u yimid Xaaskiisii wuxuu u sheegay, in uu ka Dheeraanaayo, iyadoo Naxsan bey weydiisay Xagee aadeysaa?, wuxuu ugu jawaabay Aniga ma aha ee adiga ayaa tagaaya waxaan kuu dirayaa Aabahaa Agtiisa, sababtoo ah waxaa la yiri Muslim iyo Gaal isma qabi karaan, mar Labaad bay weydiisay oo ku tiri: Xabiibkeygiyow maad Muslim noqotid aynu is wada raacnee, Nasiib xumo wuu ka diiday.

Saynab RC, iyada iyo Caruurteedii sidii bey Madiina ku soo aadeen, waxeyna halkaas ku Nooleed Lix sano oo dambe iyadoo diiday in la Guursado, intaas oo dhana waxey qabtay Rajo ah in midka ay sida dhabta ah u jeceshahay uu u soo laaban doono, isla markaasna isagoo Muslim ah uu Maalin un dib u wada noolaan doonaa. Lix sano kadib Maalin maalmaha ka mid ah ayaa Abuul Caas isagoo Safar ah meel u dhaxeysa Makkah iyo Madiina oo Hogaaminaya Awr ay badeeco saaran tahay ayey Asxaabtii weerar ku qaaday, dabadeedna wuu Fakaday waxaase la soo qabtay Badeecadii iyo Lacagtii uu waday. Orodkii wuxuu soo galay Madiina, wuxuuna durbadiiba soo raadiyay soona abaaray gurigii Seynab, Markii ay Albaabka ka furtayba waxey horay ka weydiisay miyaad soo Muslimtay?, dabadeedna Cod hoose buu ku yiri Mayee waxaan ahay Baxsad, Mar kale ayey hadana weydiisay Ma Muslimeysaa? hase ahaatee Jawaabtiisu weli waxey ahayd Maya, waxey ugu jawaabtay waxba ha Welwalin, soo dhawoow Ina abti, soo dhawoow Caruurtayda Aabahooda.

Rasuulka CSW, markii uu Salaadii Jamaacada ka baxay ayuu Gadaasha dambe ee Masjidka ka maqlay Cod dhahaaya: Waxaan ka Faaleynayaa ama Damiinanayaa Abuul Caas Ibnu Rabiic, Rasuulku wuxuu kor u yiri Dadoow Codka aan maqlaayo ma ila maqleysaan, dabadeetana waxa loogu jawaabay Haa Rasuulkii ilaahayoow, ka intuu Rasuulku kor u kacay ayuu Umadii ku yiri Abuul Caas wuxuu ahaa Nin aan Sodog u ahay, weligii Ballan kama uusan bixin, Beena ma sheegin haddii aad igu raacdaan waan siinayaa Badeecadiisa, waana sii deynayaa ha iska bexee, haddii aadan igu raacina Go’aanka idinkaa iska leh, dabeetana Asxaabtii wey ku raaceen Rasuulka in la sii daayo Abuul Caas, wuxuuna ku yiri Seynabeey waanu kuu Fasaxnay midka aad Damiinatay, wuuna bixi karaa.

Seynab iyadoo Faraxsan bey ku soo noqotay Gurigeedii, waxeyna tiri Abuul Caasow waad bixi kartaa, hase ahaatee miyaadan noo Xiisin? maad Muslimtid oo aad Aniga iyo ilmaha nala joogtid, mar kale ayuu diidmo u muuujiyay, wuu iska soo baxay Lacagtii iyo Badeecadii ayuu Makkah soo gaarsiiyay, ka dibna intuu Suuqa Bartankiisa istaagay ayuu Cod dheer ku yiri waxaan Qirayaa Ilaahay Mooyee mid kale inuusan Jirin, Muxamedna uu Rasuulkiisii yahay, wuuna ka soo Haajiray oo wuxuu ku soo noqday Madiina isla maalmo ka dib, wuxuuna durbadiiba toos ugu yimi Rasuulkii ilaahay oo weydiistay inuu u Fasaxo in uu Xabiibtiisa dib ugu noqon karo, Rasuulkuna inta uu u Dhoola Cadeeyay buu soo Kaxeeyay, ka dibna waxey yimaadeen Gurigii Seynab, markaasuu Rasuulku ku yiri Gabadhiisii, Seynabeey Ina Abtigaa wuxuu rabaa inuu kuu soo laabto ee ma Aqbaleysaa, waxey muujisay Weji la mid ah kii ay 20 sano ka hor muujisay markii uu soo doonanayay, weyna Aqbashay Faraxadii ay muddada Sugeysayna dib bey ugu soo laabatay.

Murugada u weynse waxay dhacday Sanad ka dib markii Seynab ay Geeriyootay, Abuul Caas RC, wuxuu noqday mid illin la deris ah Heer uu gaaray Dadka kale inay la ilmeeyaan Dhimashada Xaaskiisa darteed, Rasuulka CSW, sidoo kale wejigiisa waxaa buuxiyay Murugo iyo Xusni fara badan, Geeridada Seynab waxey soo Xusuusisay Geeridii Khadiija wuxuu Haweenkii kula Dardaarmay Habkii ay u Mayri lahaayeen iyo Habkii loo Karfani lahaa, isagoo markii dambana isagu wax kaga Tukaday iilkana uu dhigay.

Abuul Caas RC, wuxuu ahaa mid Maalintaas indhihiisa ilma mooyee wax kale laga waayay ilaa markii dambe la arkaayay Rasuulka CSW, oo Gacmihiisa kaga tiraaya ilmada, isla markaana Sasabaaya oo Samirsiinaaya iyadoo Abuul Caasna uu ku Hadaaqayay: ilaaahay baan ku Dhaartaye Noloshu wey Adag tahay Seynab la’aanteed, ugu dambayna sanad keliya ayuu ka Dambeeyay oo isna wuu Geeriyooday.

(ilaahoow Xaasaska is jecel u Gargaar).

Waxaa Qoray:- Macoow Ustaad.

Share This:

 
Number Course Name Tutor Lessons
1 Windows 8 Mohamed Jama Sahal 21 Halkan Riix oo Baro
3 Word 2007 Mohamed Jama Sahal 20 Halkan Riix oo Baro
4 Word 2013 Mohamed Jama Sahal 21 Halkan Riix oo Baro
6 Excel 2007 Mohamed Jama Sahal 18 Halkan Riix oo Baro
7 Excel 2013 Mohamed Jama Sahal 23 Halkan Riix oo Baro
8 Access 2007 Mohamed Jama Sahal 18 Halkan Riix oo Baro
9 Access 2013 Mohamed Jama Sahal 17 Halkan Riix oo Baro
10 Power Point 2007 Mohamed Jama Sahal 14 Halkan Riix oo Baro
11 Power Point 2013 Mohamed Jama Sahal 10 Halkan Riix oo Baro
12 Publisher Mohamed Jama Sahal 10 Halkan Riix oo Baro
13 Social Network Mohamed Jama Sahal 14 Halkan Riix oo Baro
14 Hardware Mohamed Jama Sahal 25 Halkan Riix oo Baro
15 Recovery Media Mohamed Jama Sahal 7 Halkan Riix oo Baro
16 Software Mohamed Jama Sahal 9 Halkan Riix oo Baro
17 General Accounting Mohamed Jama Sahal 16 Halkan Riix oo Baro
18 QuickBooks 2007 Mohamed Jama Sahal 19 Halkan Riix oo Baro
19 QuickBooks 2014 Mohamed Jama Sahal 21 Halkan Riix oo Baro
20 DacEasy Mohamed Jama Sahal 15 Halkan Riix oo Baro
21 HTML5 Mohamed Jama Sahal 34 Halkan Riix oo Baro
22 CSS Mohamed Jama Sahal 2 Halkan Riix oo Baro
23 ADSL Config - Network Mohamed Jama Sahal 13 Halkan Riix oo Baro
24 Visual Studio - VB - Mohamed Jama Sahal 23 Halkan Riix oo Baro
25 MySql Mohamed Jama Sahal 11 Halkan Riix oo Baro
26 Concepts Mohamed Jama Sahal 15 Halkan Riix oo Baro
26 Revision Basic PC Mohamed Jama Sahal 47 Halkan Riix oo Baro
27 Maths Mohamed Jama Sahal 37 Halkan Riix oo Baro
28 Hal-Xidhaale Mohamed Jama Sahal 25 Halkan Riix oo Baro
 

Fikradaha Akhristayaasha (0)




RIIX MUUQALADA HOOSE

Dooro Barnaamijkaad Rabtid