Asalaamu calaykum - Subax Wanaagsan - Waxaad kale oo aad Nagala socon kartaa www.youtube.com/channel/UCalwK_rEnGMvh4JdWfE8pog

Ogeysiis (Maalinta Imtixaanka) - Dhammaan Ardayda Online ka wax ku barata iyo kuwa Xarumaha sida tooska ah wax uga barta waa in ay u diyaar garoobaan Maalin ta imtixaanka bilaha la qaadayo oo ku beegan Bil kasta kowdeeda. Ogeysiis (Xiliga Qalin jabinta) - Waxaa la ogeysiinayaa Ardayda in Xaflada Qalin jabinta ay u diyaar garoobaan Bisha Oktoobar ee Sanad walba insha allaah, Xiligaas oo ku beegan aasaaskii Sahalsoftware. Ogeysiis (Su'aasha Fahamka Kumbuyuutarka) - Su'aashaas oo imtixaanaadka bilaha ku jirta waxaa laga soo dhex saarayaa Casharka webka la soo geliyo ee ku saabsan Fahamka kumbuyuutarka.

Bishaaro: Ma tahay qof jooga Magaalooyinkan (Laascaanood, Hargaysa, Burco, Buuhoodle iyo Ceegaag), Ma tahay qof jecel inuu barto Cilmiga Kumbuyuutarka, Haday Jawaabtu tahay Haa, ka faa'iideyso fursadan oo is qoristu waxay socotaa bil kasta oo dhalata kowdeeda illaa shanteeda, hadaba yeysan kaa buuxsamin ardayda la qaato oo kooban darteed ee Xarumahaas horey u gaadh.

Ogeysiis: Ardayda Online ka ah ee raba inay imtixaanka galaan qaabka ay lacagta u diri karayaan. 1. Waxay lacagta 15 Doolar ee bishii soo dhagayaan Akoonka aan ku leenahay Xawaalada Tawakal ee nambarkiisu yahay 252634496857 waxayna soo raacinayaan Magacooda oo Saddexan. 2. ka dib waxaad warqad u soo dirtaan cinwaankeena support@sahalsoftware.com 3. Wixii intaas dheer cinwaankaaga ayaa laguugu soo dirayaa insha allaah.

Qiso cajiiba oo mudan in lagu cibro qaato……

Waxaan ka imid jaamacadda African University, waa goor galab, waxaan ka soo lugeeyay jaamacadda.

Kadibna waxaa soomaray jidka #Maka-Almukarama ee magaalada muqdisho.

Cabaar markaan hayay ayaan is dhahay ku naso meheradaan xoogaa.

Waxaa ii yimid Kabal yeerigii waxa uu igu dhahay maxaan kuu keena dey dalabka. Waxaan ku dhahay aboowe waad mahadsantahay waan soomanahay. Intaas markaan iri ayuu igatagay.

Waxaa agtayda fadhiyay dhowr oday oo sheeko ku haystay.

Mid ka mid ah ayaa sookacay, waxa uu soo qaatay kursi, dheegayga ayuu soo fariistay waa uu isalaamay waan ka qaaday.

Waxa uu iyiri ma soomantahay haa baan dhahay, markaas ayuu ilmeeyay, ani waan baqay waxaan is dhahay ninka maxaa ku dhacay? Ma xanuunsan yahay? Mise Arrimo kale ayuu wataa.

Su’aalbuuba ku weydiiyaye adna waad uga jawaabtaye, maxay ka walax tahay waxaan.

Cabaar buu ilmeeyay, waxa aan ku iri adeer maxaa ku helay? Ma bad qabtaa?

Waxa uu iyiri haa waan bad qabaa? Markaas ayaan iri maxaa kugu dhacay adeer oo la ilmaynaysaa?

Cabaar ayuu aamusay, kadib ayuu dhahay adeer, waxaan ka qoomameeyau waqtigaygii isoomaray oo aan dayacay, waagaan dhalinta ahaa waxaan waqtigayga ku qaatay tumasho, cibaadada Alle ayaan ka tagay, waxaan ahaa mid afar iyo labaatanka saacba ku jira wax aan adduun iyo aakhiro toona faa’ido lahayn.

Dadkaygu waxa ay yiraahdeen war Alle ka baq.

Balse waxaan ahaa nin adduunyo, waxaan saas ku jiraba anoo 45 sano tumasho ku jira, xalaal iyo xaaraana isku kay mid tahay xumaan iyo fisqi bartamaha uga jira sidoo kalena aananba dareensanaynba in xisaabtan iga dambeeyo iyo inkale.
Habeen habeenada kamid ah ayaa waxa imid meel carwo ah oo lagu gado dharka, waxaa joogay meeshaas dad aad ufaro badan, balse indhahaygu waxay qabteen hal qof oo qudha, waxaana niyada iska iri qoftaas waa in aad caawa ama beri dambe la tumataa!!!! Allaahu Akbar.

Waxaan soo aaday gabadhii xageedii waan la hadlay waa isoo eegtay balse ilama hadlin misna waan la hadlay sidoo kale ayay isoo eegtay mar saddexaad baan la hadlay waa iga aamustay.

Waan carooday waxaan iri naa maad nala hadasho waxay igu tiri walaalo adoo kale lama hadlo waayo indhahaaga waxay u egyihiin kuwo Alle naxariistiisii ka dheereeyay, sujuudaaduna waxaan umalayn in aadanba dhulka dhigin, Afkaagana waligiis laguma xusin xuska Alle, Gacmahaagana waligaa wax wanaagsan kuma aadan qaban, lugahaagana waligaa masjid kuma aadan aadin. Waxay intaas iisii raacisay nin aan Alleba raaligelin see ula hadlaa?

Ani waxaa halmar i asiibay murugo, walaac, islahadal, walbahaar, niyad jab, iyo wax aananba waligayba lay oran oo caawa lay yiri?

Waxaan is dhahay naagtu waligaaba ma aadan arage xagee xumaantaada ku aragtay? Allahu Akbar waxaan dhahay walaalo ani xagee ku aragtay samahayga iyo xumahayga?

Waxay igu tidhi, walaalo ma waxaa isku eg qof Alle iyo Rasuulkiisa rumeeyay oo sunadi ka muuqato iyo qof aan Alle rumeyn ?

Ani waxaan idhi walaalo meeshu waa carwee banaanka inoo saar halmar oo qudha, waxay igu tidhi macsiilowyada maraaco balse hal arrin baan kuu samayn karaa?

Maxay tahay baan halmar la soobooday anoo neef kulul iga soobooday, waxay tidhi aboowe haddii aad iisheegto Hal wanaag oo aad samaysay inta aad noolayd waan kula hadlayaa meesha aad rabto.

Waxaa halmar isbeddelay dareenkayga, waxaan garanwaayay hal wanaag oo aan sameeyay noloshayda, waxaa iimuuqda xumaan aan sameeyay oo qudha.

Waan ilmeeyay halmar, waxaa isbeddelay muuqaalkaygii, waan murugooday, hadalna waa iga soobixi waayay.

Way igu soodhawaatay, waxay igu tidhi walaalo mar horaan kuu sheegay in aadan Alleba aadan raaligelin waligaa balse hadda waxaad haysataa jaanis, Alle utoobad keen, la imow wixii uu ku faray isagana har xumaha aad ku jirto.

Haddii aad isaga harto xumaha, Allena unoqoto wax walba oo aad jeceshahay waan kuu samayn, haddana waan baxayaa balse ciwaankayga ayaan ku siinayaa, wayna isiisay.

Waxaan aaday gurigaygii anoo argagaxsan, waxaan toos u abaaray qolkaygii, hoosta ayaan ka soo xirtay. Waxaan dib ugu noqday noloshaydii, waxaan xisaabshay hal mar bal in aan Alle unoqday, waxaan waayay halmar oo aan wanaag sameeyay. Allaahu Akbar.

Waxaan bilaabay in aan mayrto, qubeysto, kadibna waxaan aaday masjidka, waxaana sootukaday cishihii, sunayaal Allena waan baryay, alle ayaana dambi dhaaf weydiistay.

Allena waan umahadnaqay iga sooceshay meesha xun ee aan ku socday.

Aabbahay ayaa i arkay anoo tukanaya, ducaysanaya, gacmaha kor utaagaya, waa uu ooyay, marna waa uu farxaa, wuuna iiduceeyay Alle ayuu mahadiyay isoohanuunshay.

Umaddi guriga joogtay oo dhan, waxay fayl usoogaleeen ani, qofkasta saqiir iyo kabiirba waxa uu idhahaa Alle ayaa hanuunshay kii, dariskii ayaa xataa guriga yimid.

Waxaan garowsaday in aan meel xun ku socday, waxaan bilaabay in aananba masjidka ka bixin, salaad walba ku tukado, Alle baryo, toobad saliim ahna la imaado Allow iga aqbalee.

Waxaan noqday qofka ugu horeeya masjidka uguna dambeeya, qur’aanka ayaan xafiday, akhriyay, waxaan bartay axkaamta islaamka, axaadiista, tafsiirka iyo dhammaan qeybaha diinta oo dhan.

Maalin maalmaha ka mid ah ayaa masjidka ka soobaxay, waxa iga hortimid Gabar xijaaban, aad uqurux badan sunnada ka muuqatana aadan malaysan karin.

Waxay igu tidhi hebel saw ma tihid, haa baan iri anoo wajiga ka dad baaya, waxay tiri Alle ayaa mahad usugnaatay ku soohanuunshay.

Waxay tidhi ani ma igaran? May ayaan dhahay, waxay tiri waa gabadhii habeenkii aad carwada ku kulmayseen, awal waan siijeedee waan soojeestay, waxaan halmar la soobooday ma heblaa iyo qoftii Alle iisoodiray oo godka shaydaan iga celisaybaa,? Haa bey itiri.

Waxaan iri abaalkaaga ma gudi karo, waxay tiri ani saan horayba kugu balan qaaday wax walba oo wanaag ah waa iga diyaar, xataa haddii aad guur iga rabto.

Waayo maanta waxaad ku joogtaa jidka Alle, waxaadna umuuqataa ruux hanuunsan. Waxaan kugu diido magaranaayo ruux Alle rumeeyay, wanaag la yimid waajibaadkiisa gutay, wixii la farayna la yimaaday, wixii laga reebayna ay ka reebtoonaadaan.

Intaas ka dib, waxaan gudo galay in aan raadsho gabadha, waana guursaday, waxay ibartay Alle wixii uu baray oo dhan.

Alxamdullilaah, waxay iidhashay 7 wiil iyo 4 gabdhood. Waxaana noqonay reer diinta lagu kuunyo mahadaas Alle ka sokow, waxaa iskaleh Xaaskayga.

Intaas kadib ayuu dhahay, mar Allaale markaan arko da’yarta maanta jirta oo dhaqankii katagay, diintii xooray, food dheer labaxay, suuqyada wareegaya, cibàadadina aanba isku dayin, waan murugoodaa.

Ani aqoon kuma lihin laakiin waxaan kuu arkaa in aad tahay wiil aad uwanaagsan, waayo qof iyadoo aan soon ahayn sooman, sunadiina ka muuqato waa wax lagu farxo.

Eeg wiilashaan halkaan fadhiya, dhammaantood madaxa uwada xiiran, food dheer bay la baxeen, waxaan kaaga digaya in aadan dadkaas oo kale noqon Alle xaqa hana waafajiye. Allaahu akbar.

Waxay ahayd qisadii igu cajiibsanayd abid aan arko nin ay ku dhacdo.

Walaahi anaaba murugooday oo ilmeeyay inta uu iga sheekeynaayay sheekadaa cajiibka ah.

Dulucda sheekada.

1. Qof walba oo muslim ah, waa in uu udegdegaa diinta islaamka ah, kuna dhaqmo, wixii xumaanana ay isaga haraan.

2. Waa in aad mar walba noqoto qof uheelan samaha, wanaagga iyo wixii lagu farad yeelay.

3. Noqo qof xumaha reeba, wacyigaliya bulshada wanaagna usameeya bulshadiisa.

4. Waligaa xumaan xumaan ha ku bedelin wanaag ugu bedel qofkii ku xumeeya.

5. Noqo mid wanaaga faafiya, xumaha reeba, cafis badan, Alle ka cabsi badan, dhowrsan, wanaag usaaxiiba.

W/Q Maxamuud Axmed Muuse Tallman

Lawadaag asxaabtaada

Share This:

 
Number Course Name Tutor Lessons
1 Windows 8 Mohamed Jama Sahal 21 Halkan Riix oo Baro
3 Word 2007 Mohamed Jama Sahal 20 Halkan Riix oo Baro
4 Word 2013 Mohamed Jama Sahal 21 Halkan Riix oo Baro
6 Excel 2007 Mohamed Jama Sahal 18 Halkan Riix oo Baro
7 Excel 2013 Mohamed Jama Sahal 23 Halkan Riix oo Baro
8 Access 2007 Mohamed Jama Sahal 18 Halkan Riix oo Baro
9 Access 2013 Mohamed Jama Sahal 17 Halkan Riix oo Baro
10 Power Point 2007 Mohamed Jama Sahal 14 Halkan Riix oo Baro
11 Power Point 2013 Mohamed Jama Sahal 10 Halkan Riix oo Baro
12 Publisher Mohamed Jama Sahal 10 Halkan Riix oo Baro
13 Social Network Mohamed Jama Sahal 14 Halkan Riix oo Baro
14 Hardware Mohamed Jama Sahal 25 Halkan Riix oo Baro
15 Recovery Media Mohamed Jama Sahal 7 Halkan Riix oo Baro
16 Software Mohamed Jama Sahal 9 Halkan Riix oo Baro
17 General Accounting Mohamed Jama Sahal 16 Halkan Riix oo Baro
18 QuickBooks 2007 Mohamed Jama Sahal 19 Halkan Riix oo Baro
19 QuickBooks 2014 Mohamed Jama Sahal 21 Halkan Riix oo Baro
20 DacEasy Mohamed Jama Sahal 15 Halkan Riix oo Baro
21 HTML5 Mohamed Jama Sahal 34 Halkan Riix oo Baro
22 CSS Mohamed Jama Sahal 2 Halkan Riix oo Baro
23 ADSL Config - Network Mohamed Jama Sahal 13 Halkan Riix oo Baro
24 Visual Studio - VB - Mohamed Jama Sahal 23 Halkan Riix oo Baro
25 MySql Mohamed Jama Sahal 11 Halkan Riix oo Baro
26 Concepts Mohamed Jama Sahal 15 Halkan Riix oo Baro
26 Revision Basic PC Mohamed Jama Sahal 47 Halkan Riix oo Baro
27 Maths Mohamed Jama Sahal 37 Halkan Riix oo Baro
28 Hal-Xidhaale Mohamed Jama Sahal 25 Halkan Riix oo Baro
 

Fikradaha Akhristayaasha (0)




RIIX MUUQALADA HOOSE

Dooro Barnaamijkaad Rabtid