Asalaamu calaykum - Subax Wanaagsan - Waxaad kale oo aad Nagala socon kartaa www.youtube.com/channel/UCalwK_rEnGMvh4JdWfE8pog

Ogeysiis (Maalinta Imtixaanka) - Dhammaan Ardayda Online ka wax ku barata iyo kuwa Xarumaha sida tooska ah wax uga barta waa in ay u diyaar garoobaan Maalin ta imtixaanka bilaha la qaadayo oo ku beegan Bil kasta kowdeeda. Ogeysiis (Xiliga Qalin jabinta) - Waxaa la ogeysiinayaa Ardayda in Xaflada Qalin jabinta ay u diyaar garoobaan Bisha Oktoobar ee Sanad walba insha allaah, Xiligaas oo ku beegan aasaaskii Sahalsoftware. Ogeysiis (Su'aasha Fahamka Kumbuyuutarka) - Su'aashaas oo imtixaanaadka bilaha ku jirta waxaa laga soo dhex saarayaa Casharka webka la soo geliyo ee ku saabsan Fahamka kumbuyuutarka.

Bishaaro: Ma tahay qof jooga Magaalooyinkan (Laascaanood, Hargaysa, Burco, Buuhoodle iyo Ceegaag), Ma tahay qof jecel inuu barto Cilmiga Kumbuyuutarka, Haday Jawaabtu tahay Haa, ka faa'iideyso fursadan oo is qoristu waxay socotaa bil kasta oo dhalata kowdeeda illaa shanteeda, hadaba yeysan kaa buuxsamin ardayda la qaato oo kooban darteed ee Xarumahaas horey u gaadh.

Ogeysiis: Ardayda Online ka ah ee raba inay imtixaanka galaan qaabka ay lacagta u diri karayaan. 1. Waxay lacagta 15 Doolar ee bishii soo dhagayaan Akoonka aan ku leenahay Xawaalada Tawakal ee nambarkiisu yahay 252634496857 waxayna soo raacinayaan Magacooda oo Saddexan. 2. ka dib waxaad warqad u soo dirtaan cinwaankeena support@sahalsoftware.com 3. Wixii intaas dheer cinwaankaaga ayaa laguugu soo dirayaa insha allaah.

Qof caadiya ha noqon……?

Qofka caadiga ah ma taqaana?

Qofka caadiga ah Waa qofka si caadiya ku dhashay, oo si caadiya u soo koray, oo waxbarasho caadiya soo bartay, oo dhibco caadiya ku qalinjabiyay, oo shaqo caadiya galay, oo gabadh ama wiil caadiya guursaday, oo Si caadiya u dhintay, oo si caadiya loo aasay, oo si caadiya la isaga illaaway.

✍✍✍✍✍
Hadaba waa maxay qofka la rabo inaad noqoto een caadiga ahayn isagu
Waa qofka intaa aan soo sheegnay oo idil Taariikh qoran ka soo gudbiyay oo isaga oo dhintay boqolaal sano ka hor hadana inala jooga Maanta, taariikhdiisii iyo wax qabadkiisii iyo guulaha iyo raadka uu kaga tagay aduunka ay ka muuqdaan
Raagi mayside raad ha kaa hadho
Taariikhada marka aad akhriso waxaad arkaysaa kaliya intaas aan caadiga ahayn een soo sheegnay iyo raadkoodii lkn kuwii caadiga ahaa cidi ma taqaano meel ay ku dambeeyeen
Hadaba inaadan caadi noqonin diyaar ma u tahay ood nolosha raad kaga tagto laguguna xusuusto dhanka wanaaga?
Hadii aad diyaar u tahay arinkaa waa inaad qaab u socodkaaga iyo qaab u fikirkaaga intaba aad wax kabadasho caawa laga bilaabo ood ka baxdo qaabka ay noolyihiin dadka caadiga ah, kuna biirto qaab nololeedka dadka aan caadiga ahayn ee nolosha iyo aduunkaba wax ku soo biiriyay
Hadab dadkaasi tilmaamo maleeyihiin si aan ugu daydo?
Haa way leeyihiin waxaana kamida kuwan
1⃣: way himmad sareeyaan oo waxyaabaha hoose kuma qancaan
2⃣: Way waxbarasha jecelyihiin oo kama daalan waxbarashada
4⃣: is badalka iyaga ayaa keena oo cidna kama sugaan
5⃣: wax cusub ayay keenaan oo dabasocod ma noqdaan
6⃣: Shaqada laga raba wax kabadan ayay qabtaan
7⃣: Fashilka soo gaadha way ka khibrad qaatan si aysan mar dambe ugu dhicin
8⃣: Nolosha way la jaanqaadaan oo kama dhuuntaan waxna way kabadalan
9⃣: Yool iyo hadaf cad ayay ku socdaan oo jaahwareer kuma socdaan
🔟: Wixii ay sameeyaan natijada ka timaada masuuliyadeeda way qaadaan oo iskama duwaan.
Ugu dambayn Allah ayay talasaartaan kuna kalsoodaan in badan
Waad mahadsantahay Walaal, dadka aad jeceshayna sii gaadhsii qoraalkan

fadlan share garee wixii fikir ah comment noogu reeb mahadsanidiin
—————-✍——————

Share This:

 
Number Course Name Tutor Lessons
1 Windows 8 Mohamed Jama Sahal 21 Halkan Riix oo Baro
3 Word 2007 Mohamed Jama Sahal 20 Halkan Riix oo Baro
4 Word 2013 Mohamed Jama Sahal 21 Halkan Riix oo Baro
6 Excel 2007 Mohamed Jama Sahal 18 Halkan Riix oo Baro
7 Excel 2013 Mohamed Jama Sahal 23 Halkan Riix oo Baro
8 Access 2007 Mohamed Jama Sahal 18 Halkan Riix oo Baro
9 Access 2013 Mohamed Jama Sahal 17 Halkan Riix oo Baro
10 Power Point 2007 Mohamed Jama Sahal 14 Halkan Riix oo Baro
11 Power Point 2013 Mohamed Jama Sahal 10 Halkan Riix oo Baro
12 Publisher Mohamed Jama Sahal 10 Halkan Riix oo Baro
13 Social Network Mohamed Jama Sahal 14 Halkan Riix oo Baro
14 Hardware Mohamed Jama Sahal 25 Halkan Riix oo Baro
15 Recovery Media Mohamed Jama Sahal 7 Halkan Riix oo Baro
16 Software Mohamed Jama Sahal 9 Halkan Riix oo Baro
17 General Accounting Mohamed Jama Sahal 16 Halkan Riix oo Baro
18 QuickBooks 2007 Mohamed Jama Sahal 19 Halkan Riix oo Baro
19 QuickBooks 2014 Mohamed Jama Sahal 21 Halkan Riix oo Baro
20 DacEasy Mohamed Jama Sahal 15 Halkan Riix oo Baro
21 HTML5 Mohamed Jama Sahal 34 Halkan Riix oo Baro
22 CSS Mohamed Jama Sahal 2 Halkan Riix oo Baro
23 ADSL Config - Network Mohamed Jama Sahal 13 Halkan Riix oo Baro
24 Visual Studio - VB - Mohamed Jama Sahal 23 Halkan Riix oo Baro
25 MySql Mohamed Jama Sahal 11 Halkan Riix oo Baro
26 Concepts Mohamed Jama Sahal 15 Halkan Riix oo Baro
26 Revision Basic PC Mohamed Jama Sahal 47 Halkan Riix oo Baro
27 Maths Mohamed Jama Sahal 37 Halkan Riix oo Baro
28 Hal-Xidhaale Mohamed Jama Sahal 25 Halkan Riix oo Baro
 

Fikradaha Akhristayaasha (2)

  1. abdiqani says:

    Waan run dadka aan caadiga eheen,waa kuwa sameeya isbadal dhab ah .




RIIX MUUQALADA HOOSE

Dooro Barnaamijkaad Rabtid